Xarunta Golaha Shacbiga Oo Ciidamo Hubeysan La Geeyay

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Xoogag Hubeysan oo ka tirsan ilaalada Shacbiga iyo NISA ayaa la sheegay in gudaha ay u galeen Xarunta Baarlamaanka Federaalka, halkaasoo la sheegay iney xiisado ka taagan yihiin, iyagoo Xildhibaanada Diidan muddo kordhinta ay qeylo dhaan ka soo saareen…

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagaan Hubeysan iyo Dabley ka tirsan Hey’adda NISA ay si sharci darro loogu geeyay gudaha Baarlamaanka, taasoo la sheegay in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu doonaayo in muddo kordhin 2-sano ah ka ansaxaado Xildhibaanada Baarlamaanka Muddo xiloodkoodu dhamaaday.

Barlamaanka Waqtigiisa dhamaaday 27-Dec-2020  sida ku cad Qodobka 60aad ee Dastuurka KMG ah, lkn wuu Sii joogayaa ilaa barlamaan  kale oo badalaya laga soo doorto lkn waxba kama badali karaan Dastuurka KMG ah..macnaha cidna mudo xileed uma kordhin karaan..(BF wuxuu markii horeba ku yimid heshiis siyaasadeed ee kuma imaan doorasho wàa faqsan Qodobka 64aad ee Dastuurka KMG) oo ah doorasho codbixin dadweyne.

105360cookie-checkXarunta Golaha Shacbiga Oo Ciidamo Hubeysan La Geeyay