Maamulka Gobolka Benaadir Oo lagu Eedeeyay iney Goobo Fasaxaan Halka Xarun Kaliyah Xiraan..

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay ayeey Maamulka Gobolka Benadir Olole ku qaadeen Goobo Ganacsi oo ay ku eedeeyeen iney Faafiyaan Dhaqan xumo, iyagoo dib u fasaxay ilaa 10-xarumood oo dhawaan howlgal lagu qaaday lagu xiray…

Dad badan ayaa la yaabay in Maamulka Gobolka & Hogaanka Villa Somalia oo macaash badan ka sameeyay soo dejinta iyo ka ganacsiga Qaadadka laga keeno Ethiopia iyo Kenya ayaa ku eedeeyay qaar ka mid Ganacsatada xarumaha ku leh Xeebta Liido iney ka ganacsadaan Maandooriyayasha faafiyaana dhaqan xumo.

Wararka ayaa sheegaya in Xarun lagu magacaabo Iftin VIP la xiray waxaa dib loo fasaxay xarumo ganacsi oo ay ka mid yihiin Maqaayadaha Posh Treats iyo ka sheekee Restaurant, iyadoo goobaha ganacsiga loo qabtay iney shaqeeyaan ilaa saqda dhexe habeenkii.

Khabiirada ku xeel dheer arrimaha Caafimaadka ayaa aad ula yaabay iney Maamulka Fashilmay ee Gobolka Benadir ay oggolaadaan Qaadka oo ka mid ah Maandooriyayaasha la oggolaado halka ganacsiga iyo Isticmaalka Taabuuga, Xiishashada, Qamriga, Caraqa, Noocyada Daroogada iyo Xashiishka la mamnuuco.

254090cookie-checkMaamulka Gobolka Benaadir Oo lagu Eedeeyay iney Goobo Fasaxaan Halka Xarun Kaliyah Xiraan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com