Maamulka Hargeysa Oo Dhaqaale Ku Bixiya Baraha Bulshada

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in Maamulka Muuse Biixi Ee Degaanada Somaliland ay bilihii ugu dambeeyay ay bilaabeen iney dhaqaale ku bixiyaan sidii loo abaabuli lahaa Kooxo taageerta afkaarta Maamulka isla markaasna Difaaca danaha Maamulka Hargeysa…

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Qeybta Warbaahinta Madaxtooyada Hargeysa ay sanadkii dhamaaday ee 2020-kii ku bixiyeen dhaqaale kor u dhaafaya 70-kun oo dollar-ka Mareykanka, kaasi oo lagu fulinayo “Difaacidda danaha Somaliland ee baraha bulshada”.

Warbixinta ayaa lagu ifiyay ayaa in Maamulka Muuse Biixi uu sanadkii tagay dad gaar ah ku naas-nuujisay difaacida baraha bulshada, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay aamusinta qaar kamid ah warbaahinta gudaha Kooxaha Mucaaradka ku ah Maamulkiisa.

Sidoo kale waxay warbixintu dil istaagay in dhaqaalahaasi qeybteeda u badan la siiyey Kooxo qaab qabiil u taageersan Maamulka, kuwaasoo account-no badan oo been abuur ah ku leh baraha Bulshada, si aan loo buunbuuniyo horumarka iyo waxqabadka Maamulka Somaliland, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad faro ku tiris ah oo baraha bulshada ka difaaca xukuumadda.

84390cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Dhaqaale Ku Bixiya Baraha Bulshada