Ma Dhabaa Inuu Farmaajo Diiday Talo Ay Bangiga Aduunka U Soo Jeediyeen

Somalia news

Mr.Farmaajo ayaa oggolaaday in qalinka uu ku duugo Wasiirka Macdanta Dowladda Federaalka, iyadoo heshiiskaasi ay goob joog ka yihiin Madaxweynayaasha Galmudug iyo Konfur galbeed, heshiiskaan ayaa la sheegay ka soo Wasiirka 1-aad, Wasiirka Maaliyada iyo Wakiilka Bangiga Aduunka….

Sida loo soo gudbiyay Xogtaan Warsidaha Diinah.com news, Mr.Farmaajo ayaa iska indha-tiray, Digniino ay soo wada jeediyeen Wasiirka Maaliyada iyo Wakiilka Bangiga Aduunka Ee Somalia, kuwaasoo ilaa xalay culeysyo ku saarayay inuusan ku deg degin Heshiiska Shidaalka Ee Shirkadaha Liberty iyo Coastal Exploration Petroleum (Ex Soma Oil & Gas.

Waxaana looga digay Mr.Farmaajo inuusan carqalad ku noqon deyn Cafinta Somalia oo haatan mareysa wajiga 2-aad Ee geedi socodka, iyadoo digniinta la sheegay iney la xiriirto wajiga 5-aad Ee barnaamijka deyn cafinta, iyadoo la sheegay inuu dib uu u dhigay saxiixa Heshiiska ilaa berito, kadib markii ay soo baxeen cilado xagga Sharciga iyo deyn cafinta.

Iyadoo xogtu ay tilmaamtay in digniintii ugu dambeysay la siiyay Xalay, inkastoo uu dabacsanaan uu muujiyay hadana saakay ayuu Mowqifkiisa bedelay, kadib markii Mas’uuliyiinta labada Shirkadood iyo dulaalada ay bedeleen isla markaasna ku riixay inuu saxiixyo Heshiiska.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyada uu ku dhawaaqay inuu Xilka iska casilaayo, kadib markii uu ka hor yimid saxiixa Heshiiska, iyadoo aan la ogeyn inuu aqbalay Mr.Farmaajo.

84330cookie-checkMa Dhabaa Inuu Farmaajo Diiday Talo Ay Bangiga Aduunka U Soo Jeediyeen