Villa Somalia Oo Go’aansaday Iney Mogadishu U Soo Wareejiyo Saraakiil

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu go’aansaday inuu Magaalada Mogadishu u soo wareejiyo Saraakiisha Xoogaga Hubeysan ee daacada u ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland, kadib markii ay dhowr jeer Gadood sameeyeen..

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Saraakiisha laga soo qaaday Degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo ay tiradoodu gaarayaan ilaa 16-Sarkaal kuwaasoo Villa Somalia ku eedeysay iney ka dambeeyaan Gadoodka Xoogaga Hubeysan ee ka soo goostay Dowlad goboleedka Jubbaland, waxaa kamid ah Rashiid Bool, Cali Xasan Deer iyo saraakiil kale.

Saraakiishaan oo laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xareeyay xero Nac-Nac, waxaana la sheegay in dhowaan u bilaaban doono tababaro Sarkaalnimo, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Ciidamada, waxaana loo Sameeyay Balanqaadyo been ah oo isugu jira Derajooyin iyo dhaqaale.

137140cookie-checkVilla Somalia Oo Go’aansaday Iney Mogadishu U Soo Wareejiyo Saraakiil