Maamulka Hargeysa Oo Looga Digay Ku Milinka Dagaalka Ethiopia

Somalia news

Warbaahinta Maamulka Abiy ee Ethiopian Broadcasting Corporation, ayaa baahisay in Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taageeray dagaalka ay dowlada dhexe kula jirto Ururada Hubeysan ee OLF &TPLF, iyadoo ku milanka Khilaafka Dhinacyada Ethiopia looga Digay…

Warbaahintan oo ka sheekaysay waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxweyne Biixi iyo madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, oo ay ugu mudnaayeen ganacsiga iyo amniga, ayaa dhinaca kale sheegtay in warar ay ka heleen dowlada deegaanku ay u sheegeen in Biixi taageeray howlgalka Abiye wado.

“Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale sheegay inuu taageersan yahay howlgalka sharci fulinta ah ee Maamulka Abiy ka wado Waqooyiga dalkaasi, sida ay sheegayaan xogo aanu ka helnay xafiiska isgaarsiineed dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia”, iyadoo Aqoonyahannada degaanka ay ka digeen in Maamulka uu ku milmo Dagaalka Ethiopia.

Maamulka Muuse Biixi iyo Mas’uuliyiinta dowlada deegaanka midna si rasmi ah loogama maqal in wax ku saabsan dagaalka Ethiopia labada nin iney ka wada hadleen, isla markaana Somaliland ayaa iyadu sannadihii u dambeeyay lagu Eedeeyay iney Gabaad sii teen Saraakiil Tigray ka soo jeeda halka ay u oggolaatay Maamulka Addis abeba iney iyo hub iyo Saanad kala soo degaan Dekada Berbera.

153350cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Looga Digay Ku Milinka Dagaalka Ethiopia