Maamulka Puntland Oo Amaro Dul Dhigay Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka Howlgala Degaanadaasi..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ah ayaa laga helayaa amar ay soo saareen Maamulka Puntland kuna wajahan Shirkadaha Isgaarsiinta kuwaasoo laga dalbaday iney si deg deg ah u joojiyaan dhisidda Taawarrada cusub ee Xaafadaha iyo Duleedada Magaalooyinka…

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu amray Shirkadaha Isgaarsiinta in ay si deg deg ah u joojiyaan dhisidda taawarradaasi cusub, ilaa laga hubiyo ineysan waxyeello u geysan Degaanka iyo Dadka, iyagoo sheegay iney cabashooyin badan ka soo gaareen Dadka Degaanka.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Cabashada ugu badan ee laga soo gudbiyay taawarrada ayay wasaaraddu ku sheegtay halista shucaaca electromagnet-ga ah, buuqa matoorada iyo dabaysha oo keenta dhibaato caafimaad iyo bilic-xumo, Wasaaradda ayaa amarkaan ku xustay in Shirkadaha Isgaarsiinta aysan wax taawarro cusub ah ka dhisi karin xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka.

331040cookie-checkMaamulka Puntland Oo Amaro Dul Dhigay Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka Howlgala Degaanadaasi..