Kenya Oo Dacwadii Badda Horgeyneysa Golaha Amaanka

Somalia news

Kadib markii ay Dowladda Kenya ka baaqsatay iney soo xaadirto dib u dhageysiga Dacwada Badda Ee Xeer-beegta Maxkamada ICJ, hadda ku mashquulsan qorshe kale ay ku dooneyso iney ku carqaladeyso Kiiska Xuduuda Badda Ee kala Dhaxeeya Somalia, waxeyna diyaariyeen qorshe ay ku horgeynayaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Maamulka Uhuuru uu go’aansaday in Dacwad kale uu horgeeyo Golaha Amaanka, iyagoo ku dooday iney Garsoorayaasha Maxkamada ICJ aysan dhexdhexaad ka aheyn iyo in Kiiska Badda uu halis ku yahay Amniga gudaha xuduud-badeedka Kenya.

Prof.Kabire Oo ah Khabiir Soomaaliyeed ayaa sheegay “Ujeedada Kenya ayaa xiligaan ugu muuqatay ineysan ku guuleysan karin, waxeyna is tuseen in Shacbiga Kenya lagu indhasarcaadiyo in loo wareejinaayo Kiiska Badda Golaha Amaanka oo ay xubin ka tahay”. Wuxuuna intaasi raaciyay in Kenya ay dooneyso iney wakhtiga sii dheereyso, iyadoo Maxkamada ICJ ka codsatay in muddo 12-bilood ah dib loo dhigo Dacwada.

102030cookie-checkKenya Oo Dacwadii Badda Horgeyneysa Golaha Amaanka