Sare U Kac Ku Yimid Qiimaha Gaaska Magaalada Mogadishu

Somalia news

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Mogadishu sare u kac ku yimid qiimaha, Gaaska ama Shidaalka cuntada lagu karsado, iyadoo la sheegay uu keydkii ka go’ay shirkadaha bixiya adeegga Gaaska ee magaalada Muqdisho…

Ganacsato ku bahoobay shirkadaha keena Gaaska ayaa ku fasiray in Baahida iyo Isticmaalka ay kordheen bishii Ramadan sidaas awgeed ay bixiyeen intii ay bixin jireen bilihii ka horeeyay, waxaana la sheegay in Qiimaha Gaaska lagu Isticmaalo guryaha oo ahaa 13-KG oo gaas ah oo u dhiganta $22 Dollar ayaa Bartamihii Ramadaanka waxa uu gaaray $28 Dollar Kaddibna Gaaska ayaa noqday gabaabsi ku noqday Shirkadaha qaarkood.

Xarumaha Shirkadaha Shidaalka ee magaalada Muqdisho ayaa ku sheegay in sababaha keenay go’idda Gaasku ay yihiin:

  1. Cillad ku timid Markabka Gaaska Soomaaliya usoo waday
  2. Kayd la’aan
  3. Baahida ama dalabka oo ka batay Shidaalka ay hayaan Shirkaduhu
  4. Adeegsiga Gaaska oo kor u kacay si gaar ah Ramadaankii la soo dhaafay
  5. Dhuxusha oo Qoyays badan ka guurayaan
  6. Tiro-koob la’aanta Shirkadaha bixiya adeegga ka haysata Rukunka!

Gaaska & Dhuxusha:
Inkasta oo aanay jirin cilmi-baaris rasmi ah oo kusaabsan sida adeegsiga Gaasku u yareyneyso Isticmaalka dhuxusha haddana geddisleyda Gaaska ayaa u sheegay Mustaqbal in isu dhowaanshaha Qiimaha Gaaska iyo Dhuxushu ay sababtay in Isticmaalka Gaasku ka bato kan Dhuxusha maaddaama adeegsiga Gaaska ku fiican yahay Nadaafadda, Dhaqsida iyo bedqabka Guryaha.

120980cookie-checkSare U Kac Ku Yimid Qiimaha Gaaska Magaalada Mogadishu