Maamulka Villa Somalia Oo Xayiraada Safarada ka qaadeysa Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa go’aano ay wada gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland kuna aadan sidii loogu fududeyn lahaa Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo in laga qaado xayiraada dhanka safarka ah ee uu saaray Maamulka Kusmaayo..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Saraakiil ka tirsaneyd maamulkii Farmaajo ay marar badan ka horjoogsadeen iney gaaraan Degaanada hoos yimaada Gobolka Gedo Siyaasiyiin, Xildhibaano, Waxgarad iyo Odayaal dhaqmeed, iyadoo xayiraadaasi lagu fasiray xiriirkii hooseeyay ee u dhaxeeyay Maamulkii Farmaajo iyo kan Jubbaland.

Maamulka Villa Somalia ayaa wada abaabul uu ku doonaayo in Siyaasiyiin, Waxgarad, Xildhibaano, Senataro iyo Odayaal dhaqmeed oo qaarkood Dalka dibadiisa la imaanaya si ay heshiis guud u gaaraan kuna heshiiyaan iney la midoobaan Maamulka Jubbaland, talabadaan ayaa u muuqata mid looga baxaayo cabashada ay qabaan Beesha Mareexaan.

Kulankaan oo lagu qabanaayo magaalada Garbagaarey ayaa u muuqda fursad muhiim ah oo ay isku jaan qaadi karaan Beesha Mareexaan dhexdeeda kadibna la heshiin karaan Beesha Ogaadeen isla markaasna loo dardar geliyo wajiga 2-aad ee dagaalka looga soo horjeeda Kooxda Argagixisada Shababka oo xaruntooda ugu weyn ay ku taal Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

245110cookie-checkMaamulka Villa Somalia Oo Xayiraada Safarada ka qaadeysa Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com