Madaxii Doorashada Gobolka Sool Oo La Dilay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Bartamaha Magaalada Madaxii Guddiga Doorashada Ee Gobolkaasi, Sida ay sheegeen Ehelada Marxuumka la dilay…

Wararka ayaa sheegay in Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sool Marxuum Cabdullaahi Maxamed (Laba-go’le), ayaa lagu dilay bartamaha Laascaanood sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Dilka marxuum Laba-go’le ayaan weli cidna loo qaban inkastoo ciidanka Boliiska Somaliland ay hawlgal ka sameeyeen xaafadda dilkaasi ka dhacay, iyadoo dableydii dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta.

132390cookie-checkMadaxii Doorashada Gobolka Sool Oo La Dilay