Ethiopia Oo Sheegtay Iney Qabatay Xubno Argagixiso ah

Africa News

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis abeba ee Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay fashiliyeen isku-day ay kooxda Shababka ku doonaysay inay howlgalo ka fuliso halkaasi, inkastoo aysan soo bandhigin warar faahfaahsan…

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Warfaafinta ee Degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa lagu sheegay in horraantii toddobaadkan la qabtay laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda argagixisada Shababka.

“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Shabab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hal qof oo la tuhunsan yahay ayaa ku dhintay is -rasaaseyn, halka eedaysanaha kale uu dhaawacmay kaddibna gacanta lagu dhigay, sida lagu sheegay bayaanka.

Bishii January, Ethiopia waxay ku dhawaaqday in la qabtay tobanaan qof oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada oo xiriirka la Leh Maleeshiyaadka Shababka.

132340cookie-checkEthiopia Oo Sheegtay Iney Qabatay Xubno Argagixiso ah