Madaxii Socdaalka Galdogob Oo La Xiray

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya howlgalo ay fuliyeen Xoogaga amaanka ee PSF iyo Danab, kuwaasoo habeen Hore ka Dhacay degaanka Goldogob ee gobalka Mudug, waxayna ka soo qabteen Eedeysane Maxamuud Shuceyb oo lagu eedeynayo inuu ahaa Horjooge ka tirsan Kooxda Shabaabka u qaabilsanaa gudbinta iyo fududeynta weerarada..

Wararka hordhaca ah ayaa Diinah.com u sheegay in Horjoogaha Maxamuud Shuceyb uu ahaa Madaxa Laanta Socdaalka ee Degmada Galdogob, iyadoo warar qaarkood ay sheegeen in horey loo soo qabtay laguna eedeeyay inuu ka tirsan yahay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka.

Horjoogahaan ayaa la sheegay in Sanadkii 2015-kii uu madax ka ahaa Qeybta Amniyaadka ee Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ee Gobolka Mudug, Laamaha Dowlada iyo Maamulada ayaa la sheegay iney ku jiraan xubno badan oo Kooxda ka tirsan kuwaasoo u kala qeybsan kuwo xogaha u gudbiya iyo kuwo Howlgalo u diyaarsan (Cell-Sleep).

40580cookie-checkMadaxii Socdaalka Galdogob Oo La Xiray