Maxaa Ka Dhab Ah Ciidamo Ethiopian ah Iney Kismaayo Ka Dageen

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay Waxaa soo baxaayay warar been abuur ah oo baraha Bulshada lagu faafiyay, kuwaasoo sheegaya In Ciidamo Ethiopian ah Qaarkood safar dhulka ah iyo cirkaba ku tageen Magaalada Kismaayo…

Mas’uul ka tirsan Maamulka Dowlad goboleedka Jubbaland ka tirsan ayaa Diinah.com u xaqiijiyay ineysan waxba ka jirin In Ciidamo ka tirsan Ethiopia ay soo gaareen Magaalada Kismaayo halka kuwo kale oo safar dhulka ah ku soo fool leeyihiin Magaalada.

Sarkaalkaan ayaa sheegay In Todobaadkii tagay ay Diyaarad Ciidamada Cirka Ethiopia ay leedahay ay ka soo degtay Magaalada Kismaayo, kadib markii Xafiisyada UN-ka Somalia Iyo Amisom ay Maamulka Jubbaland u xaqiijiyeen in Diyaarada ay sahay u waday Ciidamada Ethiopia Qeybta Kismaayo Oo tiradoodu dhan tahay 500-Askari.

Wuxuuna sheegay in Heshiis dhex maray Maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia, kaasoo ay ku oggolaadeen in la baaro alaabta Diyaarada saaran, waxeyna u badnaayeen Teendhooyinka Ciidamada, Qalab Dayactir, iyo Taayarada Gaadiidka.

Mad-madow ayaa soo kala dhex galay Maamulka Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Ciidamada Ethiopia, kadib markii Sanadkii tagay ay Diyaarad kuwa Xamuulka Ethiopian airlines oo ay saaraan yihiin 300 oo Ciidamo isku dhaf ah (Ethiopian iyo Eritrean) loo diiday iney ku degto Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

40540cookie-checkMaxaa Ka Dhab Ah Ciidamo Ethiopian ah Iney Kismaayo Ka Dageen