Maamulka Hargeysa oo lagu Eedeeyay iney Oggolaadeen in Gacan ku dhiigle 100-Neef oo Geel ah lagu furto

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiis ay ja soo shaqeeyeen Odayaal Dhaqmeed oo daqiiqadihii ugu dambeeyay lagu bixiyay dhan 100-Neef oo Geel ah, iyadoo lagu badbaadiyay nolosha Gacan ku dhiigle Dil bareer ah geystay…

Wararka ayaa sheegay in Gacan ku dhiiglahaan oo sababo amaan magaciisa loo qariyay, ayaa ka mid ahaa 5-Dembiilayaal oo lagu xukumay Dil toogasho ah, waxaana lagu waday in lagu toogto degaanka Mandheera oo ku dhow magaalada Hargeysa, iyadoo kuwii kale la toogtay.

Odayaal isku dhaf ah ayaa gaaray Goobta waxeyna ka soo furteen Tiirka Dembiilaha, iyadoo afartii kale lagu fuliyay Dilka, sida sy xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo loo qaateen ah, waxeyna intaasi raaciyeen in Habka Cadaalada ay sumcad xumo ku reebeyso in Gacannku dhiigle Xoolo tiradaasi leg lagu soo furto.

Sikastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in meel ka dhac ku tahay Cadaalada, iyadoo Dadka Hantiilayaasha ah ay iibsan karaan Ciqaabta halka kuwa saboolkuna lagu fuliyo dilka.

212380cookie-checkMaamulka Hargeysa oo lagu Eedeeyay iney Oggolaadeen in Gacan ku dhiigle 100-Neef oo Geel ah lagu furto
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com