Maxaa ka Run ah in 48-Diblomaasiyiin & Howlwadeeno Soomaali ah Loogu Baaqay iney Caasimada soo Galaan..

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Wasiiru Dowlaha Idman ee Wasaarada Arrimaha Dibeda ayaa faray 48-Diblomaasiyiin iyo Howlwadeeno ka tirsan Wasaarada kana howl gelaayay Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Somalia ku leedahay Dalalka Caalamka ayaa lagu amray iney ku soo xaroodaan Xarunta Wasaarada..

Qoraalka ayaa lagu xusay in Diblomaasiyiinta iyo Howlwadeenada la faray iney 60-Maalmood ku soo galaan xarunta Wasaarada ee magaalada Mogadishu, ilo wareedyo ayaa sheegay in Boosaskooda lagu bedeli doono xubno ka tirsan Xisbi Diimeedka Dembi jadiid ee Madaxweynaha madaxda u yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Kaadiriinta la magacaabay aan la marsiinin sifaha Shaqaaleynta Rasmiga ee Dowladda, Waxgarad Soomaaliyeed ayaa ka digay in Xilalka Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha la geliyo Eex iyo Nin jecleysi, waana talaabadii ay ku burburtay Rajiimkii Siyaad Barre.

316950cookie-checkMaxaa ka Run ah in 48-Diblomaasiyiin & Howlwadeeno Soomaali ah Loogu Baaqay iney Caasimada soo Galaan..