Doon Kaluumeysi oo ku Gubatay Xeebaha Gardafuu ee Puntland

Somalia news

Wararka laga helaayo degaanka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in doon kaluumeysi ay ku gubatay xeebta Bareeda, Doontaan oo laga lahaa Dalka Iran ayaa la sheegay in ku gubatay meel 8 mayl u jirta marsada Bareeda…

Wararka ayaa sheegay in Labo Qof oo u dhashay Iran ay ku dhobteen dabka qabsaday Doonta, oo la sheegay inuu ka dhashay Gaaska cunada lagu karsado oo qarxay,Dadka degaanka ayaa la sheegay inay gurmad u fidiyeen Doontan gubatay.

Dhanka kale, Xubno ka tirsan Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntlad (TPEC) oo waday wacyigelin ayaa shalay galab laga cayriyay tuulada Murcanyo ee degaanka Gardafuu.

Dadka Degaanka oo ka caraysay shaxda soohdimaynta Degmooyinka ee dhawaan soo baxday ayeey la xiriirtaa cayrinta xubnaha TPEC, sida uu sheegay Nabadoon Bashiir Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah waxgaradka Tuulada Murcanyo.

225220cookie-checkDoon Kaluumeysi oo ku Gubatay Xeebaha Gardafuu ee Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com