Madaxweynayaashii Hore Oo Ka Guuray Hoteelkii Lagu Weeraray

Somalia news

Madaxweynayaashii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw isaga soo guuray hotelka Maa’ida oo kuyaala meel ku dhaw Hotelka Daljirka Dahsoon, iyadoo xalay amaro u bixiyay Farmaajo lagu weeraray kaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawac dhaliyay….

Xubno ku dhaw dhaw labada Madaxweyne ayaa laga soo xigtay in Hotelka si nabad galyo ah uga soo guureen ayna dib ugu laabteen guryaha ay degan yihiin oo kuyaala agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa Hotelka Maa’ida u degay sidii ay u abaabuli lahaayeen banaan bax maanta la filayay in uu ka dhacay taalada Daljirka , hasa ahaatee ciidamada dowlada oo xalay xoog kula wareegtay Daljirka iyo wadooyinka soo gala.

Labada Madaxweyne hore mar kale u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in warbaahinta la hadlaan kana warbixiyaan weerarkii lagu soo qaaday hotelka ay degnaayeen iyo sida ay u dhaqantay Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa rabshado iyo iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidamada dowlada ka amar qaata iyo ciidamo daacad u ah Midowga Musharaxiinta Somalia.

96220cookie-checkMadaxweynayaashii Hore Oo Ka Guuray Hoteelkii Lagu Weeraray