Ururada Taageersanaa Deni oo soo saaray war uusan ku Farxin..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Degaanada Puntland ayaa sheegayaa in 3 ka mid ah Ururada Siyaasadda oo maalmihii lasoo dhaafay Kulamo uga socdeen Garoowe ayaa soo jeediyay in doorashada Puntland ay ahaato mid Baarlamaani ah…

Wararka ayaa sheegaya in Ururadaan ayaa soo jeedoyay in meeshana laga saaro qorshaha Saciid Deni ku doodanayo in Shacabka soo soo doortaan Xildhibaanada Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbi siyaasadeedyada SINCAD, Mustaqbal iyo IFIYE ayay ku sheegeen in aysan hadda macquul ahayn in doorashadu noqoto guud ahaan qof iyo cod, balse ay soo jeedinayaan in Xildhibaanada 66-da ah ay soo doortaan shacabka Puntland, iyaguna sii doortaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Sidoo kale, Xisbi siyaasadeedyada ayaa tilmaamay in lagama maarmaan tahay in dhammaan daneeyayaasha loo furo tartanka doorashada, aana lagu koobin xisbiyada siyaasadda, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed. Waxaa ay ku baaqeen in lagu qabto doorashada waqtigeeda.

283150cookie-checkUrurada Taageersanaa Deni oo soo saaray war uusan ku Farxin..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com