Magaalada Boosaaso Oo Xaalad Dagaal Qarka u Saaran

Somalia news

Muddo laba todobaad ah Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland), waxaa ka taagan xaalad dagaal oo u dhaxeysay Maamulka Saciid Dani iyo Madaxii Xoogaga PSF M.Cusmaan Diyaano, iyadoo dhamaan dhaqdhaqaaqyada Gaadiidka galaaya la joojiyay, waxaana la oggol yahay kaliyah in laga baxo…

Xiisadaan ayaa salka ku heysa muranka ka dhashay xil ka qaadista Madaxii Hey’adda PSF, Hey’addaan ayaa sanadihii ugu dambeeyay aheyd Hey’adda ay qoys si gaar ah u maamushaan kana soo jeeda Beesha Cusmaan Maxamuud (Bah-dir), halka xiligaan Maamulka Puntland uu Hogaanka u hayo Saciid Cabdullaahi Dani (Bah-Dhulbahante), Hey’adda ayaa Tababarada, Saadka iyo sahyada waxaa ka gacan siiya Hey’adda CIA Mareykanka, inkastoo xiliyadaan dambe ay yareeyeen xiriirka ay la leeyihiin Hogaanka Hey’adda kadib markii ay diidan in Xoogaga Hey’adda lagu biiriyo Guutada Danab.

Magaalada Boosaaso ayaa ka kooban 4-Xaafadood, waxaana la sheegay in Xaafada Ridwaan oo ku taal Dhanka Bariga ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, waxeyna isku bedeshay aagag dagaal oo dhufeyso iska soo horjeeda ayeey Ciidamada ugu kala jiraan, iyadoo xili kasta ay suurto gal tahay inuu dagaal ka qarxo Oo ciidamadu ku hardamaan, inkastoo Dadaalo gaabis ah ay wadaan Odayaasha Dhaqanka.

Ilo Wareedyo ayaa u xaqiijiyay Villa Somalia ay ka dambeyso xiisadaan kadib markii uu Farmaajo, Asad Diyaano iyo Jamaal xaqiiqsadeen ineysan Xubno taageersan laga soo dooran doonin Doorashada dadban ee dhowaan ka qorsheysan in lagu qabto Magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay in dhaqaale badan la gaarsiiyay Qoyska Reer Diyaano si ay Masruufaan Maleeshiyaadka aagaga difaaca ku jira, iyadoo Turkiga iyo Qatar ay saameyn ku leeyihiin xiisadani, si meesha looga saaro Saameynta UAE.

154240cookie-checkMagaalada Boosaaso Oo Xaalad Dagaal Qarka u Saaran