WFP Oo Weydiisatay Kaalmo Dhaqaale si looga Hortago Macluusha Somalia ka taagan

Somalia news

Hey’adda Cuntada Aduunka (WFP) ayaa ku dhawaaqday iney u baahan tahay 416-Millions US$ lixda bilood ee soo socota si looga hortago abaaraha iyo Macluusha ka taagan degaano badan oo ka tirsan Dalka Somalia, iyadoo dhaqaalahaan ay Saraakishu sheegeen iney u baahan yihiin bilaha soo socda..

Waxeyna Warbixintooda ku xuseen in dhaqaalahaan ay qorsheynayaan iney soo xaroodaan bilaha Novembar-April 2023-ka, iyadoo loogu tala galay dhanka Cuntada iyo Gargaarka Nafaqeynta, waxey saraakishu intaasi raaciyeen in saadashu lagu qiimeeyay guud ahaan dalka gaar ahaan goobaha la saadaaliyay iney wajihi karaan cunto yari iyo Macluul baahsan.

“Caawimada waa muhiim bilaha soo socda” ayaa lagu yiri Qoraalka, waxeyna ka codsadeen Dalalka Deeqaha bixiya iney si deg deg ah uga jawaabaan codsiga Hey’adda WFP, iyadoo boqolaal qoys oo ka soo cararay colaad ka jirta gobolada qaarkood kuwaasoo nolol adag oo isugu jira cunto la’aan, Biyo yari iyo Xaalad Caafimaad ku wajahayaan duleedyada magaalooyinka Mogadishu iyo Xarumaha Gobolada qaarkood mana muuqdaan gargar loo fidiyey.

226750cookie-checkWFP Oo Weydiisatay Kaalmo Dhaqaale si looga Hortago Macluusha Somalia ka taagan