Ma Dhabaa In Turkiga Qandaraas Lagu Daabulida Dhalinyaradii Eritrea

Somalia news

Ilo Wareedyo Loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu oggolaasho dhaqaale ka helay Amiirka Dalka Qatar, Dhaqaalahaan ayaa la sheegay in lagu maareynaayo daabulida Dhalinyaradii rahan ahaan dhaqaale ay Dowladda Eritrea ugu heysatay….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Dowladda Dooxa ay bixisay 16-Millions US$, iyadoo dhaqaalahaan qaarkood loo shubay Turkish Airlines si ay u soo daabusho 5000 oo Dhalinyaradii rahan Shanta dhaqaale loogu heysto 3-xero oo ku kala yaal Gobolka ka mid ah Dalka Eritrea, waxaana lagu wadaa in todobaadyada soo socda lagu soo celin doono Caasimada Somalia.


Soo celintaan Dhalinyarada ayaa ku soo beegantay iyadoo muran xoogan uu ka taagan yahay Qaababka loo maareynaayay Drones-ka la qabtay iyo Doorashada dadban, iyadoo durbadiiba ay soo shaac baxayaan in tiro Drones ah si dhuumaaleysi ah Dalka lagu soo geliyay iyo Tababarayaal Turkish ah, sidoo kale boob iyo ku shubasho laga sameeyay Doorashada dadban ee Maamulada Galmudug iyo Konfur galbeed, Baaqyo badan oo la soo saaray ayaa dhegaha laga fureystay, waxaana laga cabsi qabaa in dib u soo celin Dhalinyaradaan ay dab ku shidi doonto Xaalada cakiran ee Amaanka Dalka.

Dhalinyaradaan ayaa lagu wadaa in la dejiyo dhowr xero Oo ay ku jiro xerada Gordon ee Degmada Dayniile, iyadoo Maalmihii ugu dambeeyay dhismayaal cusub lagu kordhiyay, Miyeey Mucaaradka ku baraarugusan yihiin Shirqoolada Turkiga iyo Qatar oo go’aansaday iney si jujuub ah Kursiga ugu Hayaan Farmaajo Fashilmay.

154090cookie-checkMa Dhabaa In Turkiga Qandaraas Lagu Daabulida Dhalinyaradii Eritrea