Somalia Oo aad u Kordheen Sanadkaan Kufsiga & Fara-xumeynta Caruurta Da’doodu Hooseyso & Sababaha…

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa tilmaameysa in qeylo dhaan ay soo saareen Waalidka Wiil yar (7-sano jir ah) oo Arday ka ahaa Dugsi Waxbarasho oo ku yaal Xaafada Aweyska ee Degmada Xamar weyne la fara-xumeeyay, iyagoo wareysi siiyay Telafishanka Dalsan oo kahowlgala magaalada Mogadishu..

Wararka ayaa sheegaya in Waalidka Wiilka ayaa ku eedeeyay Ilaaliyaha Albaabka Dugsiga inuu fara-xumeeyay Wiilkooda, waxeyna intaasi raaciyeen in Ilaaladii kale ay u fududeeyeen inuu baxsado Eedeysanaha, isagoo xusay in Eedeysanaha uu Suuliga ugu galay isla markaasna uu far ka geliyay Dabada kadib cadaadis badan uu dhiig ka yimid kadibna la geeyay Isbitaalka Madiina.

Guud ahaan Dalka Somalia Sanadkaan dhamaadka ah ayaa wuxuu ku suntan yahay iney dhaceen Falal Kufsi iyo fara-xumeyn qaarkood gaarsiisnaa Dil loona geysanaayo Wiilasha iyo Gabdhaha, iyadoo lagu eedeeyay Hey’adaha Amaanka iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dembiyada kufsiga, fara xumeynta iyo Dilalka la xiriira, ku darsoo Maamulada Dugsiyada iyo Macallimiinta ayaan u tababarneyn sida loo la tacaalo tacadiyada kufsiga iyo fara-xumeynta ka hortagooda iyo xakameyntooda.

Sidoo kale Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada ayaa diyaarin Shuruuc adag oo lagu xakameeynaayo falalkaan oo sanadkaan ay dhaceen tiro badan oo kufsi dil xambaarsan oo loo geysanaayo Caruurta yar yar iyo Gabdhaha, mana jiraan Wacyi gelin ka xiriirta xakameynta Dembiyadaan oo aad u kordheen.

293810cookie-checkSomalia Oo aad u Kordheen Sanadkaan Kufsiga & Fara-xumeynta Caruurta Da’doodu Hooseyso & Sababaha…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com