Banaanbaxyo ka Dhacay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mr.Farmaajo, banaanbaxaan ayaa sidoo kale lagu dalbanayey in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah….

Dibad-baxayaasha oo isugu jiray Haween & Dhalinyaro ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir & Dharkenley ee gobolka Banaadir, iyagoo ay ku qeylinayey erayo ay ku cabirayeen dareenkooda, kana dhan ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galay dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan dooneyn in dalka dib loogu celiyo dagaal sokeeye, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu qabto doorasho loo dhan yahay, si looga baaqsado qalalaase.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka oo uu ka taagan yahay ismarin-waa xoogan, iyadoo si gaabis ah ay u socdaan dadaalo xal loogu raadinaayo khilaafka Doorshada uuna garwadeen ka yahay WakiilkaUN-ka ee Somalia

89600cookie-checkBanaanbaxyo ka Dhacay Magaalada Mogadishu