Maleeshiyaad Ka Baxay Xaradheere Oo Gaaray Puntland

Somalia news

Sida ay qortay Mareegtada intelligencebriefs, Waxaa ugu yaraan ka baxsaday 60- Maleeshiyaad oo ka tirsan kooxda Shabaabka kuwaasoo la sheegay iney doomo kaga shiraacdeen xeebaha Degmada Xaradheere, iyagoo hubkooda wata…

Maleeshiyaadkaan ayaa la sheegay iney gaareen Tuulada Hul-caanood ee Gobolka Bari Puntland, Qulqulka cusub ee Maleeshiyaadka shabaabka, ayaa lagu fasiray inuu qeyb ka yahay qorshe ay ku xoojinayaan awoodooda dhulka buuralayda Puntland, halkaasoo dagaal mindhicireed uu kala dhaxeeyo Kooxda Daacishta ee Somalia, sidoo kalena ay ku helayaan gabbaad ay kaga dhuuntaan beegsiga duqeymaha Maraykanka.

Gobolka Bari waa goobta kaliya oo ay kooxaha Shabaab iyo Daacish kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Puntland, waxeyna dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ka wadaan Degaanada Puntland, Sidoo kale waxey ka qaadaan Ganacsatada iyo Shirkadaha Baad Dhaqaale.

Labada koox waxay horey u qabsadeen dhulal kala duwan oo kuyaala tuulooyinka fog fog ah ee gobolka Bari halkaasoo uu midba midka kale ku weeraro, iyadoo dhulalkaasi ay muhiimad Stratejiyadeed u yihiin sii socoshada dagaalada ay wadaan.

38010cookie-checkMaleeshiyaad Ka Baxay Xaradheere Oo Gaaray Puntland