Isbedel Lagu Sameynaayo Xilka Amaanka Gobolka

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu oggolaaday in Xilka laga Qaaday Gudoomiye Kuxigeenka Xagga Amniga ee Gobolka Benadir Mr.Tuulax kadib markii Adeege Fahad iyo Cumar Finish ay soo eedeeyeen….

Wararka hordhaca ah ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in qorshaha xil ka qaadista Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Tuulax, ay Soo diyaariyeen Adeege Fahad iyo Duqa Muqdisho sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Kulamo Mr.Farmaajo la yeeshay Horjoogayaasha kor ku xusan, ayeey hor dhigeen eedeymo la xiriira in shaqo amni aysan ka socon in muddo ah Xafiiska Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, islamarkaana aysan jirin xiriir wada shaqeyn oo Hay’addaha ammaanka & Xafiiska ka dhaxeeya.

Eedeymaha iyo qodobo kale oo isbiirsaday kadib Mr.Farmaajo ayaa oggolaaday inuu qaatay go’aanka ah inuu isbedel ku sameeyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, lana keeno booskaasi qof Khibrad u leh arrimaha ammaanka, maadaama Tuulax uusan laheyn Khibrad shaqo sida ilo wareedyada ay xaqiijiyeen.

37960cookie-checkIsbedel Lagu Sameynaayo Xilka Amaanka Gobolka