Maxaa Ka Dhab ah Qorshaha Farmaajo ee Mustaqbalka

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa Diinah.com u tilmaamay in Mr.Farmaajo uu ka niyad jabay ku nagaadhihiisa Magaalada Muqdisho, isla markaasna ay gacan yarayaashiisa, Saraakiil Oromo iyo Eritrean ah ay wada dejiyeen Qorshayaal (Plan-A iyo Plan-B), kuwaasoo kala in in Marka hore xarun dhexe laga hirgeliyo Magaalada Baydhabo (Xerada Cali-Salaamey) ee Ex xeradii Tababarka Boliiska kadibna la guda galo qorshaha Qabaashada Bu’aale iyo Kismaayo…

Qorshahaan guracan oo loo diyaariyay mustaqbalka siyaasadeed iyo degaan ayaa muujinaaya in Mr.Farmaajo uu qorsheystay inuu Xarun KMG ah Ka dhigto Magaalada Baydhabo, iyadoo qorshahaani uu ku doonaayo inuu isku xiro marka Hore Gobolada Gedo, Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose, kadibna Jubooyinka.

Waxaana xiligaan Magaalada Baydhabo laga wadaa diyaarinta Dayactirka Xerada Cali Salaamey, iyadoo xiligaan ay ku sugan yihiin 300-500 oo isugu jira Dhalinyaro Beesha Mareexaan (Wiilal iyo Gabdho), Kuwa Beelaha Digil iyo Mirifle,  iyo Dhalinyaro Oromo ah), kuwasoo tababaro xagga Ciidamada iyo hubka, waxaana qorshu yahay in 10.000-15-000 Oo Ciidamo ah qeyb galaan fulinta qorshaha.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Keydkii Hubka, Rasaasta Iyo Gaadiidka dagaalka ee Dowlada Federaalka Loo wareejiyay Magaalada Baydhabo, iyadoo duulimaadyo qarsoodi ah Gaadiidka dagaalka iyo saanada looga qaado Magaalada Muqdisho lagana dejiyay Magaalada Baydhabo, waxaana lagu keydiyaa Xarunta Dowlad goboleedka Konfur Galbeed, waxaana Ilaalinta Hubka iyo Gaadiidka gacanta ku haya Saraakiil Ethiopian ah.

Qorshahaan ayaa aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ka digeen in dalka dib loogu celiyo dhaqankii Hogaamiye Kooxeedyada, iyadoo la ogyahay in 30-sano ay Soomaali isku dileysa Jufooyin iyo Qabaa’ilo, taasoo horseeday in Dowlad la’aan raagta iyo kala dambeyn la’aan.

38040cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah Qorshaha Farmaajo ee Mustaqbalka