Maleeshiyaad Ku Dagaalamaaya Duleedka Magaalada Dhuusa mareeb iyo Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay dhawaqa Hubka culus ay Shacbiga halkaasi degani ku waabariisteen, waxaana ku dagaalamaaya laba Maleeshiyo beeleed, kuwaaso isku heystay Dhul banaan..

Wararka ayaa sheegaya in Bishaan 6-dii ayaa dhulkan oo ku yaal halka ay ka leexato wadada Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhusamreeb Maxkamada Gobolka Galgaduud u xukuntay Macallin Aadan Cali Goleey intaas wixii ka dambeeyey waxaa soo if baxay dood ay qabaan Dhinaca laga xukumay Dhulka.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dirirta labada maleeshiyo ee saaka ku dagaalamaaya Dhulkaasi, Waxaa meesha ka maqan doorkii Dowlada sax ma ahan in Dadka Shacabka ay Sharciga gacantooda ku adeegsadaan, dhibkaana wuxuu noqday mid soo noqnoqda xal waarana u baahan.

335600cookie-checkMaleeshiyaad Ku Dagaalamaaya Duleedka Magaalada Dhuusa mareeb iyo Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com