Ma Dhabaa in Khilaaf Hareeyay Kulankii Golaha Wasiirada ee Looga Dooday Dagaalka Laas caanood

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kulankii xalay ee Golaha Wasiirada oo lagu soo qaatay Dagaalka iyo dhiiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee daadanaya ee ka socda Magaalada Laas caanood, kaasoo khikaaf hareeyay, isagoo (Ra’iisul Wasaaraha) sheegay iney arrintan wada hadal ka yeesheen Isaga, Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka & Wasiirka Boostada…

Inkastoo Madaxweynaha & Wasiirka 1-aad aysan caddeynin Mowqifkooda ku aadan Dagaalka socda iyo sidii loogu istaagi lahaa in la joojiyo dhiiga daadanaaya, Mr.Xamsa ayaa ku wareejiyay Hadalka Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mr.Saalax, kaasoo madasha ka sheegay in qadiyadu ay tahay mid u dhaxaysa dad kuwada jira nidaam ay dhisteen, sida uu sheegay wuxuu tilmaamay in aysan jirin beelo is-haya, balse ay siyaasad lug iyo saameyn ku leedahay, wuxuu sheegay in ay xooga saarayaan in la xaliyo.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif oo kasoo jeeda SSC, oo isna hadalka qaatay, inkasta oo bilowgii Xamse u diiday ayaa sheegay in dadka dhibaato loo geystay, ayna tahay in go’aan iyo mawqifka Xukuumadda madasha laga cadeeyo, isagoo la kulmay af-celin xoogan oo madasha ay uga soo jeediyeen wasiiradii fadhiyey ee kasoo jeeday Somaliland.

Wararka ayaa sheegay in Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Sahro Yuusuf Cige, oo kasoo jeeda Somaliland, ayaa madasha buuq iyo qeylo ka kicisay, iyadoo durtay hadaladii wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ay sheegtay in uusan hadli karin, taasoo sababtay in shirka laga saaro.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa aamisan in Maamulka Xasan Sheekh uu ka gaabiyay iney u istaagaan sidii dhiiga muwaadiniinta Somaaliyeed ee daadanaaya deg deg loogu joojin lahaa, isla markaasna la dhex dhigo xabad joojin Lagana dul qaado Dadka Rayidka Hubka iyo Awood ciidan ee loo adeegsanaayo, isla markaasna si deg deg ah gurmad & gargaar loo fidiyo Muwaadiniinta dhaawacyada ka soo gaaray Dagaalka.

241220cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf Hareeyay Kulankii Golaha Wasiirada ee Looga Dooday Dagaalka Laas caanood

3 thoughts on “Ma Dhabaa in Khilaaf Hareeyay Kulankii Golaha Wasiirada ee Looga Dooday Dagaalka Laas caanood

  1. Waad ku mahadsan tihiin Bahda Warsidaha, waana wax loo baahan in dhiiga daadanaya deg deg loo joojiyo Dadka loo daaya halka ay dantooda ku jirto iney xushaan, hadii shalay ay Gobolada Waqooyiga ka qeyliyeen in la gumaaday loogana garaabay Maanta (2023) laga yeeli maayo Shacbiga waan xasuuqeynaa

  2. Ninkii ku faanay “Aniga wax dili kara duco qaadan maayo”, waan in laga badbaadiya Cambada Laas Caano 2007-kii ilaa hadda ayaa dilal si hoose loo waday

  3. War duf ku baxa lama joogo xili lagu murmo Cali iyo Caasho dagaalka deg deg ha loo joojiyo

Comments are closed.