Maamulka Hiiraan State Oo Diiday Martiqaadka Wada-hadallado lagu Qabto Muqdisho, Sababo la Xiriira Siyaasada & Amni..

Somalia news

Sida laga soo xigtay ilo Wareedyo loo qaateen ah waxey tilmaameen in Villa Somalia ay martiqaad wadal hadal u dirtay Madaxweynaha Hiiraan State Mr.Cali Jeyta oo horey u ahaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan kaasoo ku gacan seyray sababo la xiriira Amaankiisa iyo Siyaasada…

Go’aankaan ayaa imaanaya iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii dhawaan Mr.Jeyte xilka looga xayuubiyay Guddloomiyaha Gobolka Hiiraan, iyadoo uu Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mr.Jeyte, oo ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyay ‘Sharci darro’ ayaa markii dambe beelaha iyo Mas’uuliyiinta Degaanka ay u doorteen Madaxweynaha maamulka Hiiraan State.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan, Jeyte ayaa u arka martiqaadka Villa Somalia inuu yahay isku day ula kac ah oo lagu ku doonayo in lagu wiiqo awooda Maamulkiisa cusub ee Gobolka, isla markaana lagu kobciyo awooda Gudoomiyaha Gobolka ee la magacaabay.

Walaaca Jeyte waxa uu dhaafsiisan yahay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo kaliya. Sidoo kale waxaa la sheegay inuu ka shakisan yahay in loo maleegay shirqool lagu xiraayo marka uu Muqdisho soo gaaray, taasoo ay faa’iido u tahay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka.

263260cookie-checkMaamulka Hiiraan State Oo Diiday Martiqaadka Wada-hadallado lagu Qabto Muqdisho, Sababo la Xiriira Siyaasada & Amni..