Maxey Aheyd Fariinta La Gaarsiiyay Farmaajaha Fashilmay

Somalia news

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibeda Dowladda Mareykanka ee Qaarada Africa Molly Phee ayaa daaha ka rogtay iney talefono kula xiriirtay Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, waxey culeys ku saartay ( Farmaajo) inuu taageero dadaalada Doorashada ee Hogaanka Rooble…

Fariintaan la gaarsiiyay Farmaajo ayaa waxey tahay:-

-Inuu joojiyo Qorshaha Afgembiga, Adeegsiga danihiisa ee Ciidamada Dowladda isla markaasna uu abuuro xaalad saamixi karta iney Doorashada jawi nabdoon ku dhacdo.

-Inuu si buuxda ula shaqeeyo Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka

Shalay ayaa ku beegneyd markii Madaxweynihii hore Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Oo is-cadilay iyadoo ay shaqada isku qabteen Ra’iisul wasaarihiisa (Marxuum Nuur Cadde), waxaana loo sheegay inuu la shaqeeyo Fariintaasi ayaa ka degi weysay wuxuuna ka door biday inuu is casilo Hadaba Damiirkaasi ma leeyahay Farmaajaha Fashilmay mise wuxuu ka hoos shaqeyn doonaa Rooble!!?.

Garab istaaga Maamulka Washington Wasiirka 1-aad (Rooble) ayaa loo arkaa mid siineysa dardar iyo kalsooni hor leh taasoo uu ku guto waajibaadka ka saaran Qabashada Doorasho daah furan Oo wakhti gaaban lagu soo dhameystiro.

Caksigeeda Farmaajaha Fashilmay Oo doonaya inuu mar 2-aad u tartamo jagada ugu sareysa Dalka ayaa waxeu dib u dhac cadaadis iyo Dhabaaxo queued ku tahay inuu lumiyo Inta badan Taageerayaashiisa iyo taageerada Beesha Caalamka.

159070cookie-checkMaxey Aheyd Fariinta La Gaarsiiyay Farmaajaha Fashilmay