Ma Dhabaa in Kulankii Golaha Madasha Qaran ee Bisha May uu Dib u dhacaayo..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Kulankii Madasha Qaranka oo ay ahayd inuu qabsoomo 23-ka May, ayeey waxay u badan tahay in dib loo dhigo markale, sababo la xiriira khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Saciid Dani..

Xogtaan ayaa sheegtay in ujeedka loo baajinayo Kulankaan ayaa lagu sheegay xal uhelida khilaafka PL iyo Dowlada Fadaraalka, kadib markii Guddigii loo xil saaray aysan weli tegin magaalada Garoowe, iyadoo dhawaan la filayaa iney gaaraan magaalada Garoowe Mr.Laftagareen iyo Qoor-qoor kadibna, waxaa la rajaynayaa iney kulmaan Gudiyada khilaafaadka ee Puntland iyo Fadaraalka.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa iney isla Bisha May dhici doonaan Doorashada Golayaasha Degaanka Puntland talabaadaan ayaa jadwalka la dejiyay dib u dhac ku keeni karta, waxaa kaloo la sheegay in Dowladda Ethiopia oo wado iney dhex dhexaadiso Axmed Madoobe iyo Saciid Dani, Ayaan darrada jirta ayaa ah in Dalka Somalia uusan ka jirin Xisbiyo Siyaasadeed balse Isbaheysiyo Beeleed ayaa ka jira.

253730cookie-checkMa Dhabaa in Kulankii Golaha Madasha Qaran ee Bisha May uu Dib u dhacaayo..