Mareykanka Oo Dhaliilo Dhanka Amaanka Ah U Jeediyay Dowladda Federaalka

Somalia news

Ciidamada Dowladda Federaalka inkastoo loo fidiyo Teegeero dhinacyada Tababarka, Xuuraanka, La-talinta Howlgala dagaal, qalabeynta iyo Saadka, ayaa lagu dhaliilay iney ka gaabiyeen iney Horumar ka sameeyaan dagaalada lagula jiro kooxaha Argagixisada….

Taliska Africom oo qeyb ka ah Howlgalada lagu xakameynaayo Kooxaha argagixisada ayaa dhaliishaasi u jeediyay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, waxeyna Saraakiisha USA Army walaac ka muujiyeen awooda sii kordheysa Ee Kooxda Shababka.

Waxey sheegeen “Kooxda Shababka iney 10-sano kadib ay weli halis ku tahay Jiritaanka Dowladda Federaalka, iyagoo farta ku fiiqay iney weli taagan tahay halistooda isla markaasna ay abaabuli karaan weeraro dhan ka ah Danaha Reer galbeedka, Shacbiga Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Dalalka geeska Africa.

Taliska Africom ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wuxuu dadaal ugu jiray sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa Qorshaha Amni Ee xiliga kala guurka, Qorshahaan ayaa xeerinaaya in Ciidamada Dowladda Federaalka ay la wareegaan Mas’uuliyida amaan Ciidamada Amisom sanadka 2022, balse la odorasaayo inuu dib u dhac ku yimaado.

75200cookie-checkMareykanka Oo Dhaliilo Dhanka Amaanka Ah U Jeediyay Dowladda Federaalka