Kooxda Argagixisada Shababka Oo Weeraray Fariisin ay Lahaayeen Ciidamada Dowladda

Somalia news

Warar hordhaca ah oo naga soo gaaray degaan hoos taga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka ay Salaadii Subax kadib ay weerar kedis ah ku qaadeen Fariisin Ciidanka Dowladda ku leeyihiin Degaanka Masagwaay ee Gobolka Galgaduud…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Weerarkaan uu ku bilaawday tiro Qaraxyo ah, kadibna isku badalay dagaal toos ah kaasoo u dhaxeeya kooxda weerarka qaaday iyo Ciidanka, dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona Dadka degaanka ay soo warinayaan, iney maqlayaan jugta qaraxyo, iyo hub Culus oo la is waydaarsanayo.

Fariisinka la weeraray waxaa deganaa, Cutubyo katirsan Ciidanka Dowladda ee mar sii horraysay tababarka ku soo qaatay Dalka Eritrea, kuwaasoo maalmo ka hor magaalada Muqdisho laga qaaday, degaanka Masagwaay oo hoostagta Galcad, waa weerarkii labaad oo kooxdu kusoo qaadayaan tan iyo markii uu bilaawday Gulufka iyaga ka dhanka ah, waxaase weerarkaan uu kusoo aadayaa, xilli dhowr bil uu hakad kujiro dagaalkii uu ku dhawaaqay Madaxa Villa Somalia.

258370cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka Oo Weeraray Fariisin ay Lahaayeen Ciidamada Dowladda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com