Fatahaadaha & Dalagyo Dalka la soo Geliyay oo Hoos u Dhac ku keenay Wax soo saarka Beeraha..

Somalia news

Qeylo dhaan ayeey Beeraleyda ka soo saareen gaabiska ku yimid wax soo saarkii Dalagyadii beeraha, iyadoo sheegay iney khasaare xoogan ka soo gaareen xilligan fatahaadihii iyo daadadkii dhowaan ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Shabeelooyinka iyo Hiiraan iyo Beedeecooyinka Dalka Masar dalka loogu soo fasaxay…

Beeralaydaan ayaa sheegay in saamayn ba’an ay ka soo gaartay dhibaatooyinkaan is biirsaday, Qoysas  badan oo noloshooda ku tiirsanayeen wax  soo saarka ayaa ku sugan duleedyada magaalooyinka  waa weyn ee dalka  kuwaasoo ka walaacsan sida hadda noloshooda ay tahay.

Beeraleyda ayaa sheegay in khasaaraha soo gaaray ay ugu badan yihiin Shidaal badan oo keyd ahaa ay biyihu qaadeen (45-%), Qalab beeraha oo la waayay iyo keyd badan oo noocyo kala duwan oo dalagyadii la beeray ay biyo galeen, waxeyna beeraleyda qaarkood ku qasabtay iney Xeryaha Barakacayaasha iska diiwaan geliyaan.

Maamulka Demu jadiid oo macaash doonka ah ayaa khidmado laga siiyay inry Dalka ku soo fasaxaan Dalagyo kala duwan oo Fruits iyo khudaar kale ay Shirkado Egyptian ah, iyadoo Cambo badan oo halkii xabbo 2-$ lagu arkay suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho, Shacbiga qaarkiis ayaa sheegay “Dalkeena maa cambo laga waayay marka Cambo laga keenayo Dalka Masar? .. mala awoodi waayay in cambaha laga iibsado beeralayda dalkeena?”.

297330cookie-checkFatahaadaha & Dalagyo Dalka la soo Geliyay oo Hoos u Dhac ku keenay Wax soo saarka Beeraha..