Share the post "Mareykanka Oo Digniino u Jeediyay Dadka Hurinaaya Colaada Laas caanood.."
Danjiraha USA ee Somalia Mr.Larry André ee Xilka la degaaya ayaa digniino hawada u miriyay Shaqsiyaadka ku lugta leh hurinta colaada Laas caanood iney talaabo ka qaadi doonaan, isagoo tibaaxay iney diyaariyeen talaabooyin kala duwan inkastoo uusan faahfaahin ka bixin nooca…

Colaada Laas caanood oo soo socotay tan iyo horaantii February, waxaa galaafayay nolosha Muwaadiniin tiradoodu kor u dhaafayaan 300-Boqol, wuxuuna Danjiraha Sheegay:-

Dagaalka magaalada Laas caanood ayaa xudun u ah muran dhuleed/xuduudeed u dhaxeeya Dadka Degaanka iyo Maamulka Somaliland, dagaalka ayaa ka barakiciyay 200-kun oo Qof Guriyihii ay degenaayeen, sidoo kale Madaafiic aan loo meel dayin ayaa lagu burburiyay Goobaha Cidaadada, Dugsiyada, Xarumaha Caafimaafka iyo Guryaha Dadweynaha.