Bangiga Horumarinta Oo Kulan u Qabtay Dalalka Geeska Africa…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay wada yeesheen Wasiirada Maaliyadda Djibouti iyo Somalia kaasoo lagu kala saxiixday heshiis lagu dhisayo wado isku xiraysa labada Dal si loo kobciyo dhaqaalaha iyo horumarka bulsho ee labada Dal…

Wasiiradaan ayaa la sheegay iney ka qeyb galaayeen Shirka 17-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika kaasoo lagu qabtay magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar, Shirkaan oo looga hadlay qoddobo dhowr ah oo xambaarsanaa Horumarinta Dalalka Geeska Afrika ayaa markaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray isku xirka dalalka Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Somalia loo sameynayo Waddooyin waaweyn oo isku xira si loo hormariyo Ganacsiga iyo isku socodka Dadka Dalalka Geeska.

Iyadoo Mashruucaan isku xirka Dalalka Geeska Afrika wajigiisa 1-aad ay nasiib u heleen in lagu bilaabo Djibouti iyo Somalia, fulinta iyo maalgelinta mashuuraacaan waxaa u xil saaran Bangiga Horumarinta Afrika.

257700cookie-checkBangiga Horumarinta Oo Kulan u Qabtay Dalalka Geeska Africa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com