Boqortooyada Sacuudiga Oo Somalia u Tababareyaa Saraakiisha Laamaha Garsoorka iyo Amniga.

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe ay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ay imtixaan uga qaadeyso 29-Sarkaal oo ka tirsan Laamaha Amniga ee Dalka iyo Xubno ka tirsan Xafiiska Xeer-ilaalinta, kuwaasoo la filayaa in Tababaro loo qaado Dalka Boqortooyada Sacuudiga…

Wararka ayaa sheegay in Tartamayaasha ku guuleystay Imxitaankaan ayaa waxaa waxbarasho dibadda ah loogu qaadi doonaa Jaamacadda Naif ee Waxbarashada Amniga ku taalla Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo ka faa’ideyaan doona deeq waxbarasho 9-Xirfadood oo xiriir la leh Amniga iyo Garsoorka, waxaana u fidisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Imtixaanka oo ka socda Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Taramayaasha soo gudbistay Araajida ayaa lagu qiyaasay 35, halka Imtixaankii ugu horeeyay ay u soo gudbeen 29-Xubnood kuwaasoo la sheegay iney Imtixaan kale u fariisan doonaan, waxaana laga soo xuli doonaa 9-xubnood oo lagu wado iney soo bartaan, Baarista Dembiyada, Faraha, Raadka, Forsenic, Habka Dacwad gudbinta iyo qodobo kale oo la xiriira Amniga iyo Garosoorka.

257600cookie-checkBoqortooyada Sacuudiga Oo Somalia u Tababareyaa Saraakiisha Laamaha Garsoorka iyo Amniga.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com