Xog Hordhaca ah:- Ciidamada Amisom Oo Digiino Amaan Loo Gudbiyay

Somalia news

Dowlada Uganda oo ka mid ah Dowladaha Ciidamada faraha badan ee ka tirsan AMISOM ka joogaan Somalia ayaa hogaanka Ciidamadeeda uga digtay weeraro ay Kooxda argagixisada Shabaab ka geysan karaan fariisimada ay ku Dalka…

Qoraal loo diray Saraakiisha Ciidamada ayaa la faray inay ka digtoonaadaan weeraradaasi argagaxiso maalmaha ciidda Kirismaska, kuwaasoo ay qorshaynayaan Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shabaab, Gen.Peter Elwelu oo ah Taliye ku xigeenka Ciidamada difaaca Uganda ayaa ka codsaday askartooda ku sugan Somalia inay muujiyaan feejignaan dheeri ah inta lagu jiro maalmaha ciida Kirismaska oo ku beegan dhamaanta sanadka 2021 iyo horanta sanadka 2022.

Somalia ayaa waxaa ku sugan Ciidamo kala duwan oo ka kala socda Dalalka Uganda, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Burundi, kuwaasoo ku howlgala magaca Amisom ee AU-da, waxeyna ka howlgalaan Gobolada Jubooyinka,  Shabeellooyinka, Bay, Bakool iyo Gobolka Hiiraan, iyaga oo dagaal la gala Xubno ka tirsan Kooxda argagixisada Shabaab.

154390cookie-checkXog Hordhaca ah:- Ciidamada Amisom Oo Digiino Amaan Loo Gudbiyay