Ma Dhabaa in Agaasimihii Hey’adda NISA uu Xilkii Iska Casilay & Sababta ka Dambeysa…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in xalay uu gudbiyay Warqadiisa Is-casilaada Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Salad kadib markii u bilooyin ah ay soo baxaayeen inuu jiro is-fahan la’aan ka dhalatay Weerarkii iyo xarigii loo geystay Howlwadeeno iyo Shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud…

Wararka ayaa sheegaya inkastoo uu shaqo badan ka qabtay Amaanka magaalada hadda waxaa lagu Eedeeyay inuu u dhaqmay si ka baxsan shuruucda u degsan Hey’adda isla matkaasna uu tiro Ganacsato ah muddo xiray, kuwii oo aan loo gudbin Hey’adaha Garsoorka inkastoo markii dambe la siiyay daayay.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Maanta oo khamiis ah lagu wadi Kulanka Golaha Wasiirada looga dhawaaqo cidda bedeleysa Agaasimihii hore ee NISA, Warar loo qaateen ah ayaa sheegaya in Xildhibaan Sanbaloolshe loo saadaalinaayo in loo magacaabo Agaasimaha NISA inkastoo lagu eedeeyo inuu Muwaadin Somali ah u gacan geliyay Mamulka Addis abeba laguna xanto inuu xiriir hoose wada shaqeyn la leeyahay Sirdoonka Ethiopia.

318960cookie-checkMa Dhabaa in Agaasimihii Hey’adda NISA uu Xilkii Iska Casilay & Sababta ka Dambeysa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com