Marxuum Galal Oo Xalay Lagu Aasay Guricel

Somalia news

Waxaa Xalay lagu aasay Marxuum Gen.Maxamed Nur Galal, kadib markii ay Ehelada ay go’aansadeen iney raacaan dardaarankii uu ka tagay, waxaase Su’aal laga keenay, waxa sababay in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Kan Galmudug ugu baaqsadeen iney ka qeyb galaan aaska…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ay ku wada sugan yihiin Magaalada Dhuusa mareeb iney ka baaqsadaan ka qeyb galka Aaska Marxuumka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka qeyb galka aaska ayaa sheegay “Mudnaantii iyo Maamuuskii ay aheyd in loo sameeyo aaska Marxuumka ma helin, iyadoo meel aan ka fogeyn goobta aaska ay Madaxda Dowladda Federaalka ku hoydeen, shucuurta iyo Qiimeynta Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa sidaas u taal”, ayuu yiri Xildhibaanka.

91540cookie-checkMarxuum Galal Oo Xalay Lagu Aasay Guricel