Mashruuc Laga Hirgelinaayo 3-Maamul Goboleed

Somalia news

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa daahfuray mashruuca ballaaran ee  Farsamada,Xirfadaha iyo Tababbarada ee TVET+ oo  markii u horreysay dalka laga hirgelinayo tobanaan sano kadib….

Mashruucan waxaa laga fulin doonaa wajigiisa koowaad saddexda Dawlad-gobolleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed, waxaana maamul kasta laga hirgelinayaa xarumo farsamo oo si casri ah u qalabeysan, Waxaa lagu baran doonaa xarumahan oo loo yaqaano (TVET+) hannaanka barashada farsamada gacanta ee dalka Jarmalka.

Mashruucaan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta Bulshada ayaa sheegay muddada uu socday inay ka faa’iideysan doonaan boqollaal bulshada qeybaheeda ah oo u badan dhallinyaro, Wasiirka Wuxuu u mahadceliyay Dawladda Jarmalka oo mashruucan ka taageeraysa Soomaaliya, isagoo inta ku daray inay Dawladda Somalia ka go’antahay horumarinta xirfadaha.

93940cookie-checkMashruuc Laga Hirgelinaayo 3-Maamul Goboleed