7-Eedeysane oo Loo Xiray Dilkii Ganacsade Degaanka ah uuna ku jiro Sarkaal Boliis ah..

Somalia news

Labadii bilood ee u dambeysay waxaa aad sare ugu kacay Falalka Dil Qorsheysan oo ka dhaca Caasimada Mogadishu, iyadoo fal-dembiyeedka uu Eedeysanaha xaaskiisa ku gubay uuna geeriyootay mid Haweeney iyo Walaalkeed Ganacsade ku dilay, sidoo kale waxaa soo shaac baxaaya in Sarkaal ka tirsan Boliiska iyo Ilaaladiisa ay jir dil & Dil u geysteen Ganacsade…

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax waxaana meydkiisa laga helay goob qashinka la dhigo ee Degaanka Garasbaaley, iyadoo lagu eedeeyay inuu falkaasi ka dambeeyo Taliyihii Saldhigga Boliiska Heliwaa iyo 6-kale oo 5 ka mid ah ay Rayid yihiin, Baarista Kiiskaan waxaa gacanta ku haya Hogaanka Baarista ee NISA.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dambiyada abaabulan ee Dilalka xambaarsan gaar ahaan bilihii Janaayo iyo Febraayo, Falalkaan qaarkood ayaa la tilmaamay iney baarayaasha u sahleen CCTV-da wadooyinka magaalada, kuwaasoo caddeymo ku filan la duubay, waxaana aad hoos ugu dhacay qaraxyadii iyo dilalkii ay geysan jireen Maleeshiyaadka kooxda argagixisada.

311820cookie-check7-Eedeysane oo Loo Xiray Dilkii Ganacsade Degaanka ah uuna ku jiro Sarkaal Boliis ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com