Dib u Dhaca Dagaalada Galmudug Ayaa Mas’uul Ka ah

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya fashil iyo dib u dhac ku yimid Howlgalada ay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug iyo Senator Cabdi Qeybdiid ka wadeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana la is weydiinayaa yaa sababay dib u qabsashada Kooxda argagixisada Shababka Degaanada Camaara iyo Bacaadweyn…

Muddo 4-bilood ku dhowaad ayaa Howlgalo ay si wadajir ah u qorsheeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Maleeshiyaad degaanka ka wadeen degaanada Wisil, Bacaadweyn, Camaara, Qeydcad iyo Degaano kale kuwaasoo ay qabsadeen Kooxda argagixisada Shababka, qorsheeyayna iney qabsadaan Dekada Hobyo.

Waxaana lagu sababeeyay fashilka Howlgalka & dib u gurashada Ciidamadaan 4-qodob:-

-Dagaalka aysan Daacad ka wada aheyn Dadka Degaanka gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedo Qorqor oo Maleeshiyaadka uu geeyay Degaanada Camaara iyo Caado kibir aysan wax howlgal ah ka qeyb qaadan, islamarkaana uu jiro Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Beelaha Sacad iyo Saleyman.

-Niyad jab ka dhashay dib u gurashada ay Sameeyeen Ciidamada Gorgor iyo Maleeshiyaadka Beesha Saleyman ee Degaanka Caado kibir taasoo horseeday in Kooxda Shababka ay 17-kii Bishaan weeraraan Degaanka Qeydcad oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Beesha Sacad khasaare xoogan ka soo gaaray.

-Khasaare xoogan oo ka dhashay weerarkii Shababka Ee Camaara oo ay ku fietsen 10-gadiidka Dagaalka, isla markaasna aan Ciidamadaasi aysan helin gurmad intii uu weerarka ku socday.

-Qorshe La’aan lagu galay dagaalka, iyadoo intii uu dagaalka socday Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble uu saameyn ku yeeshay horumarka dagaalka, iyadoo Uu Farmaajo diiday in Saad iyo Sahay Dowladda Federaalka ku taageerto Howlgalada.

Talaabadaan ayaa horseeday in Hogaanka Dowlad goboleedka Puntland ay gurmad u soo direen Galmudug, kuwaasoo markii ugu horeysay dagaalo kaga qeyb geli doonaan Degaanada Galmudug.

137900cookie-checkDib u Dhaca Dagaalada Galmudug Ayaa Mas’uul Ka ah