Degmada Saakow Oo Duqeyn ka Dhacday

Somalia news

Warar hordhaca ah ee naga soo gaaraya Degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegay in xalay waqti dambe halkaa laga maqlay duqemo ay geysanayeen diyaaradaha drones-ka Ciidamada Mareykanka….

Duqeymaha ayeey dadka deegaanku waramayaan in lala eegtay fariisimo ay saldhigyo maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ay ku lahaayeen degmada iyo degaannada ku xeeran.

Duqeymahan ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen  ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom ee ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa, Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jug culus iyo madaafiicda ay tuurayeen diyaaradaha.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidanka howlgalka Africom ee Mareykanka oo la xiriira duqeyntan la sheegay in ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

93970cookie-checkDegmada Saakow Oo Duqeyn ka Dhacday