Share the post "Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Jubbaland oo Gaaray Degmada Ceel Waq & Sababta.."
iyadoo lagu wado in marka la gaaro 15-ka bisha soo socoto qeybtii u dambeysay oo Ciidamada Kenya ee Sektarka Jubbaland lagu wado iney ka ka bixi doonaan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo in muddo ah ay ka howlgalayeen, ayaa Su’aal laga keenay Cidda bedeleysa…
Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin iuo Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbalanad ayaa lagu in dhawaan ay gaareen Degmada Ceelwaaq si ay u dardar galiyaan xoojinta Iyo xasilinta amniga Degmada Ceelwaaq oo ay ka baxayaan Ciidamada Kenya ee ATMIS.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo tiro badan dhawaan tababar u soo xirmay kuna sugan Degmada Ceelwaaq loona qaybinayay Hub iyo Rasaas fara badan si ay qayb ugu noqdaan Ciidamo sugaya Amniga magaalada inkastoo ay weli taagan tahay Khilaafka u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Maamulka Gobolka Gedo.
Warar soo baxaynaya waxey sheegayaan in Guddomiyaha Gobolka Gedo u safar gaar u ah ugu baxay Dalka Djibouti, halka Macalimuu iyo Cali Kadiye iyagana la sheegay in looga yeeray magaalada Kismaayo Inkasto Macalimuu iska diiday.