Ciidamada Jubbaland Oo Dib U Qabsaday B/Xaawo

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Dagaal muddo gaaban socday kadib Ayaa Ciidamada Jubbaland waxey xalay abaarihii 2:30 la wareegay gacan ku haynta magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, Ciidamadii halkaas ku sugnaa ayaa dib uga baxay Magaalada kadib markii ay iska caabin kari waayeen ciidamada soo weeraray….

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in Ciidamada Jubbaland ay gebi ahaanba gacantooda ku jirto magaalada Balad Xaawo, halka Ciidamadii kale bannaanka uga baxeen magaalada oo ay isku uruursadeen wadada aada Magaalada Doolow,

Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka Ayaa xalay xili dambe soo saartay qoraal ayaa lagu sheeegay in “jabhad ay soo hubeysay” Kenya ay soo weerartay ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo, kuwaas oo weerarka iska caabiyey, sida qoraalka lagu sheegay.

89430cookie-checkCiidamada Jubbaland Oo Dib U Qabsaday B/Xaawo