Mas’uuliyiin Lagu Eedeeyay Xaalufinta Kaluunka Dalka

Somalia news

Ururka caalamiga ah ee ka dhanka ah Dambiyada abaabulan, oo loo gaabiyo Global Initiative, ayaa daabacay warbixin ku saabsan kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebaha Somalia iyo Saameynta, musuqmaasuqa ka dhex jira Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada…

Warbixintan ayaa walaahi sheegay saameynta dhaqaale ee ka imaan karta Boqolaalka Doonyood ee reer Iiraan, Yemen iyo kuwa Dalalka Bariga Fog ee sida sharci darrada ah uga hawlgala xeebaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana la sheegay in Shaqsiyaad Soomaali ah ay ku gacan siiyaan Shiradahaan iney gurtaan Kaluunka.

Warbixintu waxay sidoo kale soo qaadanaysaa shirkaddo fadhigoodu yahay Puntland, oo awood u leh inay si toos ah ula macaamilaan saraakiisha sarsare ee ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga Federaalka oo uu ku jiro Wasiirka laftiisa inay si isdaba joog ah u soo saarto dukumiintiyo aan caadi ahayn si loo fududeeyo badeecadaha badda ee loo dhoofiyo Shiinaha.

Falalkaan ayaa lagu eedeeyay iney ku lug leeyihiin Mr.Farmaajo, Wasiirada Qorsheynta (Jamaal) (Bidhan) Kaluunka, Wasiiru Dowladaha Maaliyada (Xayir) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluunka (Max’uud Sh.Cabdiraxman), Mas’uuliyiintaan ayaa ka jawaabin Eedaha loo jeediyay.

127540cookie-checkMas’uuliyiin Lagu Eedeeyay Xaalufinta Kaluunka Dalka