Wasiirada Cusub Oo Xildhibaanada ku Beesha ah Ka Codsaday iney u Codeeyaan

Somalia news

Wararka dheeraad ah ayaa laga helayaa talaabo cusub oo meesha ka saareysa culeyska laga filan karo in aan la ansixin Golaha Wasiirada iyadoo Xildhibaan loo xushay Wasiirka uuu la balamay Xildhibaanada ku beesha ah…

Wasiirrada ayaa kulamo gaar gaar ah la leh Xildhibaannada Golaha Shacabka, wuxuuna Wasiir kasta ku dadaalayaa in Xildhibaanka ku dhow ku qanciyo sidii loo meel marin lahaa, tiiyoo ay jirto in badi Xildhibaannada ay diyaar u yihiin taageeradda Golaha.

Wasiirrada ayaa lagu wadaa in marka ay kasoo dhammaadaan kulamadaan gaar gaarka ah ay kulan guud isugu yeeraan Xildhibaannada si ay u muujiyaan in ay diyaar u yihiin ansixinta Golaha.

Dhaqankaan qalqalgelinta ah ayaa ah mid soo jireen ah oo ka dhalan jirtay carada Xildhibaannada qaar ee iska waaya Golaha Wasiirrada, waxaana ugu dambeysay xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo uu buuqa gaaray in Madaxweynihii Waqtigaas xilka ka dagay haddana ah Madaxweynaha Somalia ka codsado Xildhibaannada in ay ansixiyaan xukuumadda.

205470cookie-checkWasiirada Cusub Oo Xildhibaanada ku Beesha ah Ka Codsaday iney u Codeeyaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com