Mas’uuliyiinta Waxbarashada Oo Naqdiyay Warbixin La Xiriirta Waxbarashada

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Guud ahaan Dalka Somalia Waxaa hor yaalay laba caqabado Dhanka waxbarashada ah oo balaaran kuwaasoo kala ah Tayada iyo Helitaanka, iyadoo inta badan Caruurta Soomaaliyeed aysan helin Waxbarasho asaasi ah inta qaan-gaartay…

Caqabadahaan ayaa waxaa sii xoojiyay Saameynta Amniga xumida  iyo adeegsiga dagaalada  Kooxaha argagixisada kuwaasoo si toos ah u taga Dugsiyada Waxbarashada kana qorta Caruurta si xaabo loogu dhigto dagaalada. Iyadoo Warbixin ku saabsan Waxbarashada dalka oo Machadka daraasaadka ee Heritage uu soo saaray 18-kii Augost 2021, ayaa waxaa naqdiyay Mas’uuliyiinta Wasaarada Waxbarashada.

Warbixinta Heritage oo ciwaankeedu ahaa Waxbarashada aan u baahannahay ” ayaa looga hadlay cabqadaha haysta waxbarashada si gaar ah dhinacyada manhajka, waxbarista, qiimaynta iyo maamulka iyada oo DFS iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka (FMS) kula talisay in ay xoogga saaraan nuxurka manhajka, kobcinta macallimiinta, qiimeynta iyo maamulka waxbarashada dalka.

Cilmi -baaristu waxa ay ku boorisay wasaarada waxbarashada in ay mudnaanta siiso sameynta guddi qaran oo quburo ah qiimeyn ku sameeyo waxbarada iyo shahooyinka ay bixiyaan goobaha waxbarada dalka.

Balse wasaarada waxbarashadu waxa ay sheegtay in ay kalsooni darro ka muujinayso waxbixintaas, isla markaana ay qaladaad badan ay ku jireen ilaha warbixinta inkastoo ay qirtay “in ay soo dhaweynayso dhammaan cidkasta oo daneysa in ay xog-baaris ka sameyso hannaanka waxbarashada dalka”.

143890cookie-checkMas’uuliyiinta Waxbarashada Oo Naqdiyay Warbixin La Xiriirta Waxbarashada